Dalalka G7 oo Ruushka ku boorriyay in uu aqbalo xabbad joojin
Dalalka G7 oo Ruushka ku boorriyay in uu aqbalo xabbad joojin

OTTAWA — Diblomaasiyiinta ugu sarreysa dalalka la isku yiraahdo G7, ayaa Jimcadii shalay Ruushka ugu baaqay, inuu aqbalo xabbad-joojintii uu Mareykanku soo jeediyay si loo soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine, haddii kalana uu wajaho cunaqabateyn dheeri ah.
“Waxaan ugu baaqnay Ruushka inuu si siman u aqbalo xabbad-joojinta, una hirgeliyo si buuxda,” ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 kasoo saareen shirka ay ku yeesheen Canada.
Wasiirrada ayaa sheegay in ay ” ka wada hadalneen tallaabooyin dheeraad ah oo lagu cadaadinayo Ruushka haddii uu diido heshiiskan, kuwaas oo ay ka mid yihiin cunaqabateyn cusub, xaddidaadda qiimaha shidaalka, iyo taageero dheeraad ah oo la siiyo Ukraine.”
Bayaanaka G7 ayaa sidoo kale lagu sheegay, in dalalku ay adkeeyeen taageeradooda shuruud la’aanta ah ee Ukraine si ay u difaacdo midnimadeeda dhuleed, jiritaankeeda, xorriyadeeda, iyo madaxbannaanideeda.
Bayaanka ayaa imaanaya xilli Kremlin-ka uu sheegay in wax badan ay weli dhiman yihiin si loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah, taasoo muujineysa in Moscow aysan si buuxda u aqbalin hindisaha Mareykanka.
Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff, uu Khamiistii la hadlay Madaxweyne Vladimir Putin.
Jimcihii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ay kulan yeelan doonaan marka Witkoff ku soo laabto Washington, si ay si dhow u falanqeeyaan mowqifka Ruushka loogana wada tashado tallaabada xigta.