Suuriya oo saxeexday dastuur ku meelgaadh ah oo ku dhisan diinta Islaamka
Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa saxeexay bayaan dastuuri ah oo ka ku saabsan hab-xukunka muddada ku meel gaadhka ah ee shanta sano. Tallaabadan ayaa timid kaddib saddex bilood markii kooxdiisa Islaamiyiinta ahi ay hoggaaminaysay duullaan xukunka lagaga dhafiyay Bashaar Al-asad.
Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Islaamku yahay diinta madaxweynaha, si la mid ah sida uu dhigayay dastuurkii hore. Shareecada Islaamka ayaana loo qaatay “Isha ugu weyn ee sharciga”, sida ay sheegeen guddiga diyaarinta dastuurka ku hawlan.
Waxa kale oo uu ilaalinayaa kala-soocidda awoodaha iyo madaxbannaanida garsoorka, waxaanu dammaanad qaadayaa xuquuqda haweenka, xorriyadda hadalka iyo warbaahinta.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Geir Pedersen ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo “dhaqdhaqaaqyada dib loogu soo celinayo sharciga” wuxuuna xusay in “tallaabadani ay buuxin karto firaaq sharci oo laga ma maarmaan ah”.
Laakiin maamulka Kurdiyiinta ee waqooyiga bari dalka Suuriya ayaa dhaleeceeyay ku dhawaaqista dastuuriga ah, iyaga oo sheegay in “ay ka hor imanayso xaqiiqada Suuriya iyo kala duwanaanshaheeda”