Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay dagaalyahanno Alshabaab ah
Hay’adda Habad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee magaceeda loo soo gaabiyo NISA, ayaa sheegtay in weerar dhanka cirka ah oo ay wadajir u fuliyeen hay’adda iyo Ciidanka Xoogga Dalka lagu diley 29 xubnood oo isugu jira dabley iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed xalay ka soo baxay NISA oo nuqul ka mid ah uu soo gaarey OWN, weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas duqeyn lagula beegsaday kooxo loogu yeeray argagixiso.
“Sidoo kale duqeyn deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellaha Hoose ka fulsey Hay’adda Habad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu khaarajiyey 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta,” ayaa lagu yiri war saxaadafeedka ka soo baxay NISA oo intaas ku daray: in weerarradan oo billowday maalinimadii shalay, welina socda khasaare xooggan lagu gaarsiiyey waxa loogu yeeray “argagixisada”.
Ugu dambeyntii Hay’adda Habad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, waxay dadweynaha rayidka ah uga digtey in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxahan oo bartilmaameed u ah Ciidamada Qaranka.
Hay’adda NISA ma carraabin magacyada horjoogeyaasha ku dhintay weerarkaas iyo darajadooda. Sidoo kale BBC-du ma helin ilo ka madaxbannaan hay’adaha dowladda oo faahfaahinaya sida wax u dhaceen.