Afghanistan oo iska fogeysay weerarkii tareenka ee Pakistan

Taalibaanka Afghanistan ayaa diiday eedeynta Pakistan ee ah in afduubkii Talaadadii ee tareen, dadna ay ku dhinteen uu ahaa mid qorsheysnaa lagana soo abaabulay dhulka Afghanistan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan, bayaan ay shalay soo saartay, ayeey eedeynta Pakistan ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Maleeshiyaad lala xiriirinayo xoogagga Xoreynta Baloch ee la mamnuucay ayaa weerar ku qaaday tareen rakaab saarnaa meel u dhow Sibi, Balochistan, iyagoo afduubtay boqolaal qof.

Ugu yaraan 21 qof oo rakaab ah iyo afar ka tirsanaa ciidamada milatariga ayaa ku dhintay weerarka. Milateriga Pakistan ayaa sheegay inay dileen 33 argagixiso.

Intii lagu guda jiray safar uu ku tagay Quetta, halkaas oo uu ka dhacay kulan heer sare ah oo dhinaca amniga ah shalay, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa warbaahinta u sheegay in 339 rakaab ah la badbaadiyay.

Weerarkii Talaadadii ayaa calaamad u ah sii xoogeysashada kacdoonka gooni u goosadka ee burburiyay Balochistan ku dhawaad labaatan sano.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker