Aabe lagu xukumay dilka wiil yar oo uu dhalay iyo xog ku saabsan sida dilku u dhacay

Soddon jir ka soo jeeda dalka Ireland ayaa lagu xukumay 20 sano oo xidhag ah kaddib markii lagu helay in dhaawac maskaxeed oo uu soo gaadhsiiyay wiil uu dhalay uu sababay dhimashadiisa.

Lewis Oliver Rowland ayaa jiray 13 todobaad markii uu la soo darsaday dhaawac maskaxeed oo beddelay noloshiisa bishii November sannadkii 2015.

Dhaawaca ka soo gaadhay maskaxda ayaa la rumaysan yahay in uu ka dhashay markii aabbihii uu si xun u gilgilay taasi oo keentay in maskaxdiisu ay hawl-gabto. Saddex sano oo lala tacaalayay xaaladdiisa caafimaad ayaa ugu dambayn uu geeriyooday.

Bilowgii waa uu dafiray in uu dilay wiilkiisa. Waxa se uu qirtay in uu ku kacay xil-kas-nimo la‘aan badheedh ah iyo in uu dayacay wiilkiisa. Maxkamadeyntiisii oo dhacday ​​Oktoobar-tii kal hore, xeerbeegtida ayaa ku xukuntay dil. Mar dambe ayaa se loo beddelay 20 sano xabsi ah.

Dhkhtar caafimaad ayaa arrirntan ku sheegay in ay tahay midd ugu xumayd ee uu arko tobankii sano ee la soo dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker