Waa ayo, maxayse rabtaa kooxda gooni-u-goosadka Pakistan ee BLA?
Gobolka la dayacay ee Balochistan, oo ku yaalla koonfur-galbeed Pakistan, ayaa muddo sanado ah la daalaa dhacayay kacdoon hubaysan, iyadoo weerarradii ugu dambeeyay ee sii kordhaya ay muujinayaan caqabadaha ay dowladda Islamabad kala kulmayso sugidda amniga.
Talaadadii, ururka la mamnuucay ee xoreynta Baluch ama Baluch Liberation Army (BLA) ayaa qaaday tallaabo xasaasi ah oo sare u qaaday kacdoonka, kaddib markii ay qabsadeen tareen rakaab—hawlgalkii ugu ballaarnaa ee ay kooxdu fuliso ilaa hadda.
Maleeshiyaadka BLA ayaa boqolaal qof ku afduubtay tareenka Jafer Express, ka hor inta aysan ciidamada Pakistan Arbacadii ku dhawaaqin in ay dileen dhammaan 50 dagaalyahan oo weerarka fuliyay.
Militariga ayaa sheegay in mintidiintu ay dileen 21 qof oo rakaab ah, halka dhammaan rakaabkii kale la badbaadiyay.
Waa ayo gooni-u-goosadka Balochistan, maxayse u dagaallamayaan?
Balochistan waa gobolka ugu weyn Pakistan marka la eego baaxadda dhulka, balse ah kan ugu yar marka la eego tirada dadka ku nool. Waa xarunta qowmiyadda Baloch, oo sheegata in ay la kulanto takoorka dowladda Pakistan.
Kooxaha gooni-u-goosadka ah ayaa tan iyo bilowgii 2000-meeyadii dagaal ugu jiray in ay helaan maamul madaxbannaan—ama xitaa gaar noqosho buuxda—iyo xuquuq dheeraad ah oo ay ku yeelanayaan kheyraadka dabiiciga ah ee gobolka, sida gaaska, saliidda, iyo macdanta qaaliga ah.
Sanadihii u dambeeyay, BLA ayaa xoojisay awooddeeda, waxaana falanqeeyayaal qaarkood ay sheegayaan in khatarta ay dalka ku hayso ay la mid noqon karto tan ay keento Taalibaan-ka Pakistan.
BLA waxay si joogto ah u bartilmaameedsataa ciidamada ammaanka ee Pakistan, sidoo kale waxay weerarro la beegsatay dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan shaqaale Shiinees ah oo ka shaqeynayay mashaariicda balaayiin doolar ku kacaya ee Waddada Dhaqaalaha Shiinaha iyo Pakistan (CPEC).
Kooxdu sidoo kale waxay weerarro ka fulisay meelo ka baxsan Balochistan, oo ay ku jirto magaalada Karachi, oo ah tan ugu weyn Pakistan.
In kasta oo dowladda Pakistan ay sheegtay in ay si weyn u xakameysay rabshadaha, haddana weerarrada Balochistan kama joogsanin. Kooxo kale oo mintidiin ah ayaa sidoo kale ka howlgala gobolka.
Maxay BLA hadda u fulisay weerarkan?
BLA, oo ay dowladda Pakistan iyo Mareykanka u aqoonsan yihiin urur argagixiso, ayaa la rumeysan yahay in ay leedahay in ka badan 3,000 dagaalyahan, waxayna markiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Talaadadii.
Kooxdu waxay rabtaa in ay dhisto dowlad madax-bannaan oo ay ku mideysan yihiin dhulka ay qowmiyadda Baloch ka degto Pakistan, Iran, iyo Afghanistan.
Islamabad waxay ku eedeysay India in ay taageerto BLA, iyadoo ay xusid mudan tahay in Pakistan iyo India ay yihiin laba dal oo cadow isku ah, isla markaana haysta hubka nukliyeerka. Hase yeeshee, New Delhi si adag ayey u beenisay eedeymahaasi.
Dowladda Pakistan waxay sidoo kale sheegtay in ay jirto iskaashi u dhexeeya BLA iyo Taalibaan-ka Pakistan, taasoo sii xoojinaysa khatarta kooxdu ku hayso amniga dalka.
Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in BLA ay aad ugu dhiirrantahay tan iyo markii Taalibaan-ka Pakistan ay jabiyeen xabbad-joojin ay la lahaayeen dowladda bishii November 2022, taasoo horseeday kororka weerarrada rabshadaha wata ee dalka oo dhan.
Saameynta guud ee arrintan
Marka laga soo tago loollanka Pakistan kala dhaxeeya India, Islamabad waxay sidoo kale xiriir aad u kacsan la leedahay dowladda deriska la ah ee Iran, taasoo sii xumeysay xaaladda amni ee gobolka Balochistan.
Labada dal waxay wadaagaan xuduud dhererkeedu yahay 900 km (560 mayl), taasoo inta badan aan si adag loo xakameyn, taasoo u sahlaysa kooxaha hubaysan iyo kuwa wax dhoofiya inay si fudud isku gudbaan.
Dowladda Pakistan iyo tan Iran midba midka kale ayuu ku eedeeyaa inuu hoy u yahay kooxaha fallaagada ah.
Dhinaca kale, dhaqaalaha ayaa door weyn ka ciyaaraya xasillooni-darrada gobolka, sida uu sheegay falanqeeye Khan, isagoo tilmaamay in xaaladdan aysan wax wanaagsan u ahayn dhaqaale burburka wajahaya ee Pakistan.
“Yaa imaanaya oo maalgelinaya Pakistan haddii mar kasta la kulmeyno weerarro noocan ah?” ayuu yiri Khan.
Shiinaha ayaa balaayiin doolar ku maalgeliyay Pakistan iyada oo loo marayo mashruuca Belt and Road Initiative, balse arrintaasi waxay sii fogeysay qowmiyadda Baloch, kuwaas oo ku eedeeya Islamabad in ay kheyraadkooda si xad-dhaaf ah u isticmaasho, iyada oo aan wax horumarin ah laga sameyn nolosha dadka deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeye dhanka ammaanka ah oo lagu magacaabo Syed Muhammad Ali, ayaa sheegay in inkasta oo weerarkii tareenka uu u keenay BLA “indho iyo dareen warbaahineed,” haddana dhimashada dadka rayidka ah ay u badan tahay “in ay wiiqdo taageerada ay ka haystaan bulshada gobolka.