Puntland oo sheegtay inay dishay madaxii Daacish u qaabilsanaa diyaaradaha Droneska ee qaraxyada xambaara
Puntland ayaa sheegtay inay dishay madaxii kooxda Daacish u qaabilsanaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee qaraxyada xambaara, kuwaas oo marar badan weerarro ku qaaday ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska howlgalka Hillaac, ninkan oo ahaa ajnabi ayaa lagu dilay howlgal ay maanta ciidamada Puntland ka fuliyeen deegaanada Lugta-Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee buuraha Calmiskaad, gobolka Bari.
Lama sheegin cid kale oo ka tirsan Daacish oo lagu dilay howlgalka, hase yeeshee, warbixintu waxay tilmaamaysaa in ciidamada Puntland ay isku fidiyeen dhul ballaaran oo ay kooxdaasi isaga carartay.
Diyaaradaha qaraxyada sida ayaa ka mid ahaa caqabadihii ugu waaweynaa ee ay ciidamada Puntland kala kulmeen intii ay dagaalka kula jiraan Daacish.
Kooxda Daacish ayaa noqotay tii ugu horreysay ee Soomaaliya ka isticmaasha diyaarado aan duuliyaha lahayn oo lagu rakibo qaraxyo, taasoo u suuragelisay inay weerarro ka fuliyaan masaafo fog, iyagoo isticmaalaya hagidda drones-ka.