Guterres oo dib u habayn ku sameynaya QM
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Arbacadii sheegay inuu bilaabayo dib-u-eegis qoto dheer oo lagu sameynayo hay’addan caalamiga ah si kor loogu qaado waxtarkeeda loona dhimo kharashyada, xilli ay la tacaalayso xaalad dhaqaale oo sii xumaaneysa.
“Khayraadku wuu sii yaraanayaa – muddo dheerna sidaas bay [arrintu] soo ahayd,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.
Wuxuu sheegay in hindisahan – oo loo bixiyay UN80, maadaama Qaramada Midoobay sanadkan u dabaaldegayso sannad-guuradeeda 80-aad – uu doonayo inuu ballaariyo, isla markaana uu dardargeliyo dib-u-habayn tii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2017, si ay hay’addu u noqoto mid waxtarkeeda kordhisa isla markaana kharashkeeda yaraata.
Xoghayaha Guud ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan inta lacag ah ee qorshihiisu badbaadin karo ama inta shaqo ee la dhimi karo, balse wuxuu xusay inuu si degdeg ah u bilaabi doono, gaar ahaan meelaha uu awoodda u leeyahay, halka arrimaha kale ee u baahan go’aan ka gaaris uu u gudbin doono 193-ka dal ee xubnaha ah si ay u eegaan.
Hindisahan waxaa hormuud u noqon doona guddi ka kooban 14 xubnood oo ka tirsan Qaramada Midoobay. Guterres wuxuu si cad u sheegay in guddigani uusan noqon doonin mid la mid ah DOGE, waaxda uu Elon Musk hoggaamiyo ee Mareykanka, taasoo shaqadii ka fariisisay kumannaan shaqaale dowladeed ah si waxtarka hay’adaha dowladda loo kordhiyo.
“Waxaan ka hadlaynaa hannaan, hab-raacyo, iyo yoolal gebi ahaanba ka duwan,” ayuu yiri. “Tani waa sii-wadid iyo xoojinta shaqadii aan horey u wadnay.”
Tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay toddobaadyo ka hor, xukuumadda Trump waxay si weyn u dhintay gargaarkeedii ikhtiyaariga ahaa ee ay siin jirtay sanduuqyada, hay’adaha, iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay, iyada oo gebi ahaanba baabi’isay barnaamijyadii caawinaadda dibadda, isla markaana bilowday ka bixitaanka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).
Tallaabooyinkaas ayaa sare u qaaday walaacyada dhaqaale ee Qaramada Midoobay, iyadoo Washington ay tahay deeq-bixiyaha ugu weyn ee hay’addan caalamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Guterres wuxuu xusay in tan iyo markii uu xilka la wareegay toddobo sano ka hor, Qaramada Midoobay ay la daalaa dhaceyso dhibaato dhaqaale oo sii kordheysa, taasoo ka dhalatay dalal badan oo aan si buuxda u bixin ama waqtigii loogu talagalay aan ku bixin lacagaha waajibka ku ah.