Dalalka G7 oo ku kulmaya Quebec, Canada

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka horumaray ee G7 ayaa la filayaa inay isugu yimaadaan wadahadallo socon doona maalmo dhowr ah, kuwaas oo ka dhici doona magaalada Quebec ee dalka Canada. Kulammadan ayaa diiradda saari doona soo afjaridda dagaalka Ruushka iyo Ukraine iyo taageeridda Ukraine, oo saddex sano dagaal kula jirtay Ruushka.

Wadahadalladan ayaa yimid kadib go’aankii Mareykanka uu dib ugu billaabay wadaagga sirdoonka iyo taageerada milatari ee uu siiyo Ukraine, kadib markii saraakiil sare oo labada dal ka kala socday ay ku kulmeen magaalada Jeddah ee Sacuudi Carabiya.

Kadib wadahadallo socday ku dhawaad siddeed saacadood, Ukraine ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay ogolaato soo jeedinta Mareykanka ee xabbad-joojin ku-meel-gaar ah oo socon doonta 30 maalmood, taasoo u baahan in Ruushkuna oggolaado.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo wariyeyaasha la hadlay xilli uu u socday dalka Canada Arbacadii maanta, ayaa sheegay in Mareykanku uu sameyn doono “meelo kala duwan oo lagala soo xiriiro” marka laga hadlayo Ruushka si loo qiimeeyo doonistiisa ku aaddan heshiiska nabadda.

“Hadda, dhammaanteen si weyn ayaan u sugaynaa jawaabta Ruushka, waxaana si adag ugu dhiirrigelinaynaa inay joojiyaan dhammaan dagaallada… si loo billaabo hannaan lagu gaari karo nabad waarta,” ayuu Rubio u sheegay VOA Arbacadii maanta.

Rubio wuxuu intaas ku daray in loo baahnaan doono kormeereyaal dusha ka eegaya xaaladda haddii Ruushku oggolaado xabbad-joojinta.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa isaga oo ku sugan Aqalka Cad Arbacadii maanta, sheegay in “Ruushka ay ku xiran tahay” inay xabbad-joojinta ogolaadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker