Dagaal laga cabsi qabo in uu dib uga qarxo Tigray

Xiisado xooggan ayaa ka dhex taagan kooxaha iska soo horjeeda ee gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray, xilli Faransiisku uga digay muwaadiniintiisa inay halkaas u safraan.

Tigray waxa uu ahaa goobta mid ka mid ah dagaalladii ugu burburka badnaa qarnigan, kaasoo socday intii u dhaxaysay 2020 illaa 2022, waxaana lagu qiyaasay in uu galaaftay nolasha illaa 600,000 oo qof.

Dagaalkaas waxa uu ka dhex dhacay ciidamada maxalliga ah iyo dowladda federaalka Itoobiya oo ay garab siiyeen maleeshiyaad xulufo la ah iyo sidoo kale ciidanka dalka deriska la ah ee Eritrea.

Inkasta oo heshiis nabadeed la gaaray bishii November 2022, haddana gobolka weli ma helin xasillooni, waxaana sii xoogeystay khilaafaadka u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda bilihii la soo dhaafay.

Dowladda federaalka ayaa Getachew Reda, oo ah siyaasi rug-caddaa ah oo ka soo jeeda Tigray, u magacowday in uu hoggaamiyo maamul ku-meel-gaar ah, balse waxa uu wajahey loollan uga imanaya xulafadiisii hore, gaar ahaan hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), Debretsion Gebremichael.

Talaadadii, ciidamo daacad u ah Debretsion ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Adigrat, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Tigray.

“Xiisad ayaa mar kale ka taagan magaalada, shacabka waxa ay ka baqayaan in dib loogu laabto waayihii mugdiga lahaa ee dagaalka,” ayuu AFP u sheegay qof deggan magaalada, balse codsaday in magaciisa aan la shaacin.

Getachew ayaa amar ku bixiyay in shaqada laga joojiyo saddex janaraal oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Tigray, isagoo ku eedeeyay kooxda ka soo horjeeda inay doonayso “inay gebi ahaanba la wareegto Tigray,” sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay Tigrai Mass Media Agency.

Arbacadii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa digniin rasmi ah u dirtay muwaadiniinteeda, iyada oo sheegtay: “Iyadoo la eegayo iska horimaadyada ka socda Tigray, gaar ahaan Adigrat iyo caasimadda gobolka ee Mekele, dhammaan safarrada gudaha Tigray waa laga digayaa.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Tigray “inay keydsadaan sahay degdeg ah (cunno, biyo, daawo, iyo shidaal haddii loo baahdo) isla markaana ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.”

Maamulka Getachew ayaa Arbacadii dowladda Itoobiya ka codsaday “gargaar lagama maarmaan ah,” balse faahfaahin lagama bixin waxa ay dalbanayaan.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee fadhigoodu yahay Addis Ababa wali kama aysan hadlin arrintan.

Bishii February, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ka dhawaajiyay in dadka reer Tigray “wali ku nool yihiin cabsi iyo argagax iyaga oo ka baqaya suurtagalnimada dagaal kale.”

Sidoo kale, Faransiiska ayaa uga digay muwaadiniintiisa safarro aan daruuri ahayn oo ay ku tagaan gobolka waqooyi ee Afar, oo xuduud la leh Eritrea, xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa labada dal ee ku yaalla Geeska Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker