Xuutiyiinta oo ‘dib u billaabaya’ weerarada maraakiibta Israel
Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inay dib u bilaabayaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta Israa’iil, kaddib markii uu dhammaaday waqtigii kama dambaysta ahaa ee ay u qabteen Israa’iil si ay dib ugu fasaxdo gargaarka la keenayo Gaza.
Bayaan ay soo saareen, ayey Xuutiyiinta ku dhawaaqeen inay “dib u bilaabeen mamnuucidda dhammaan maraakiibta Israa’iil” ee mari doona Badda Cas, Badda Carabta, marin-biyoodka Baab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed, kaddib markii Israa’iil ku guuldarraysatay inay fuliso shuruuddii afar maalmood ahayd ee ay Jabhaddu ku xirtay Jimcihii, taasoo ahayd in dib loo fasaxo gargaarka la hakiyay.
Israa’iil ayaa todobaad ka hor hakisay dhammaan gargaarkii la geyn lahaa Gaza, iyadoo ujeedadeedu tahay cadaadis saarista Xamaas si ay u sii deyso dadkii ay afduubatay intii lagu jiray weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii October 2023.
Xaaladda xabbad-joojinta oo horey u liicaysay ayaa sii xumaatay Axaddii, markii Israa’iil ku dhawaaqday inay jartay korontadii biyaha lagu sifeyn jiray ee Gaza. Hase yeeshee, Talaadadii, Xamaas ayaa sheegtay in wadahadallo cusub oo ku saabsan xabbad-joojinta ay ka billowdeen Qatar.
Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya inta badan Yemen – waddanka ugu saboolsan Jasiiradda Carabta – ayaa weerarro joogto ah ku qaaday maraakiib la xiriirta Israa’iil iyo kuwo kale intii lagu jiray dagaalka Gaza, iyagoo ridayay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ilaa ay hakad geliyeen weerarradooda bishii Janaayo markii xabbad-joojin bilaabatay.
Talaadadii, Xuutiyiinta ayaa mar kale ku dhawaaqay in mamnuucidda maraakiibta Israa’iil ay “dhaqan galayso laga bilaabo markii bayaankan la sii daayay” isla markaana “maraakiib kasta oo Israa’iil ah oo isku dayda inay jebiso mamnuuciddaas lagu beegsan doono gudaha aagga howlgalka ee la shaaciyay.”
Jabhaddu waxay ku adkaysatay in weerarradoodu sii socon doonaan ilaa Israa’iil ay ogolaato in gargaarka la gaarsiiyo Gaza.