Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya oo ka hadlay dagaalka Alshabaab, doorka duqeymaha Itoobiya iyo dagaalka Calmiskaad
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa wareysi gaar ah uu siiyay BBCda uga hadlay qoddobo dhowr ah oo ku aadan amniga dalka oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Alshabaab, Duqeymaha cirka ah ee ay dowladdu ka geeysato goobaha ay Alshabaab kula dagaallanto iyo arimo kale.
Wasiirka oo ka hadlay deegaanada uu hadda uu dagaalku ka socdo ayaa sheegay in dagaalku uu ku bilowday in Alshabaab la geliyay cunaqabateyn adag taas oo keentay in saanaddii iyo adeegyadii kale ee ay u baahnaayeen in laga cunaqabateeyay, taasina ay kaliftay buu yiri in ay jid furtaan si Alshabaabka Bariga Webiga Shabeelle jooga iyo kuwa Galbeedka Webiga jooga ay iskugu furmaan.
Wasiirku waxuu sheegay in Alshabaab ay dhowr jiho ay dagaal ka soo qaadeen laakin “dhowrka jihaba jab aad u weyn ayaa lagu gaarsiiyay” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir oo intaas ku daray in ay meelaha qaar ay dib uga soo sikadeen sida tuulooyinka qaar.
Wasiirku waxa uu sheegay in sanadihii danbe ay aad u raadinayeen in helaan fursad ah meel Alshabaab toos lagula diriri karo am lagu duqeyn karo, “fursadahaasna iyaga ayaa nala soo doontay, jab aad u weyna waan ku garsiinay ,hogaamiyeyaal badan oo heerarka dhexe ahna waa looga dilay” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo intaas ku daray in gaadiid ilaa 18 gaaraya laga gubay ila afar boqol oo Alshabaab ahna halkaasi looga dilay.