Tallaal looga hor tagayo cudurka HIV AIDS oo la soo saarayo
Tallaal sanadla ah oo loogu talagalay in looga hor tago xanuunka HIV AIDS, ayaa soo gaaray heer tijaabo oo wanaagsan, sida ay cilmi-baarayaashu ku sheegeen wargeyska wax ka qora arrimaha caafimadka ee Lancet.
Lenacapavir ayaa fayraska ka caawinaya inuu ka hor tago inuu u gudbo unugyada jirka.
Haddii tijaabooyinka lagu guuleysto mustaqbalka, o haatan ka gudubtay marxaladda koowaad, waxay noqon kartaa qaab waara oo looga hortagi doono cudurka HIV.
Haatan, dadku waxay cuni karaan kaniiniga maalinlaha ah ama marmarka qaarkood waxay qaadan karaan irbado siddeedii toddobaadba mar, si loo yareeyo khatarta cudurka.
Kiniiniga PrEP ayaa ah kuwo wax tar badan leh, balse waxaa mararka qaar adkaan karta in maalin kasta la cuno.
Qiyaastii 39.9 milyan oo qof ayaa la nool xanuunka HIV-AIDS caalamka, 65% oo la nool xanuunkanna, waxay ka soo jeedaan qaaradda Afrika, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, marka loo eego tirooyinkii ugu dambeeyay ee la shaaciyay sanadkii 2023-ki.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka, WHO, Sanduuqa Caalamiga ah iyo Barnaamijka Qaramada Midoobay ee HIVAids (UNAids) ayaa dhamaantood ku howlan qorsheyaal lagu soo afjarayofiditaanka xanuunka HIV marka la gaaro sanadka 2030-ka, oo ay kamid yihiin in wax laga bedelo helitaanka daawooyinka loo cuno cudurkan HIV sida PrEP.