Midowga Yurub oo canshuur aargudasho ah ku soo rogay Mareykanka

Yurub oo walaac qaba

Ururka birta ee Midowga Yurub (Eurofer) ayaa saadaaliyay in uu lumin karo ilaa 3.7 milyan tan oo bir ah oo loo dhoofin jiray Mareykanka.

Mareykanku waa suuqa labaad ee ugu weyn ee ay u dhoofiyaan shirkadaha birta Yurub, isagoo ka qaata 16% dhoofinta guud ee birta Midowga Yurub.

Midowga Yurub wuxuu qiyaasayaa in ganacsiga labada dhinac uu sanadkii gaarayo qiyaastii $1.5 tirilyan, taasoo matalaysa ku dhawaad 30% ganacsiga caalamka.

Inkasta oo Midowga Yurub uu leeyahay faa’iido ganacsi oo xagga badeecadaha ah, haddana wuxuu sheeganayaa in faa’iidadaas ay qeyb ka magdhabi karto faa’iidada Mareykanka ee dhinaca adeegyada.

Dhinaca kale, Britain oo ka baxday Midowga Yurub, waxay sheegtay inaysan qorsheynin inay qaado tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah Mareykanka

VOA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker