Madaxweyne Deni: Ma jiridoono ganacsade dambe oo ku marmarsiyoon doona Daacish baa cadaadis igu haysa
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta kulan la qaatay ganacsatada magaalada Boosaaso, ayaa u sheegay in aysan mar dambe kooxda Daacish siin karin wax dhaqaale ah.
Madaxweyne Deni ayaa u sheegay ganacsatada in laamaha amniga Puntland ay burburiyeen meelihii ganacsatada looga soo hanjabi jiray si ay baad u bixiyaan. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in aan la aqbali doonin marmarsiiyo la xiriira in Daacish baad la siiyo.
“Ma jiri doonto ganacsade marmarsiinyo u heli kara ‘waa lay cadaadiyay, waxbaa la iga qaaday.’ Waxaa la rabaa in qof kasta uu dareemo inuusan cadaadis jirin. Haddii hore lagu andacoon jiray buurahaa la iga soo waco, wiilashiinnii ayaa buuraha ku sugan oo halkaas kasoo hadlaya,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Deni waxa uu sidoo kale xusay in Puntland ay u baahan tahay in ay kasoo kabato dhibaatooyinkii dhaqaale ee ay Daacish ku reebtay. Waxa uu tilmaamay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen cabsi darteed, balse hadda loo baahan yahay in ay kusoo laabtaan dalka, ayna keenaan aragtiyo ganacsi oo cusub.
Madaxweynaha Puntland ayaa carrabka ku adkeeyay in xukuumaddiisu ay dadaal gelinayso sugidda amniga, si aan mar kale u dhicin dayac amni.