Duqeyn lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan Al shabaab.
Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanada Damasha iyo Shabeelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay horjoogihii u qaabilsanaa kooxda Al shabaab dhanka gaadiidka dagaalka.
Nin lagu magacaabay Mansoor ee la qaarijiyey ayaa dhowaan ka yimid degaanka Buulo Fulay, waxaana waday gaadiid la dayactiray oo kooxda ay u adeegsan jirtay weerarrada argagixisada sida lagu sheegay war saxaafadeedkaan.
Intii uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale la dilay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Al shabaab, kuwaas oo ku sugnaa goobta la duqeeyay, Waxaa la burburiyay saddex gaari oo dagaal, kuwaas oo ay kooxda u adeegsan jirtay weeraraadda.
Taliska Militariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Gaadiidka ay ka koobnaayen laba gaari Cabdi Bile ah, oo ay saarnaayeen qoryaha waaweyn ee Suuga iyo Dhashiikaha iyo gaari kale oo ay kooxda u adeegsanjirtay dhibaateeynta shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn war saxaafadeedka waxa lagu yiri “Howlgalka ayaa si xeel dheer loo qorsheeyay, iyadoo bartilmaameedka uu ahaa xubnaha sare ee Al shabaab, Taliska CXDS wuxuu caddeeyay in duqeyntani ay dhabar-jab weyn ku tahay awoodda dagaal ee kooxda, ayna qayb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo argagixisada”.
