Dowladda Soomaaliya oo hawada ka saartay 12 Shabakad Warbaahineed oo Al-shabaab adeegsan jireen

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in dowladda ay xirtay ilaa 12 warbaahin oo ah Website-yo ay adeegsan jireen kooxda Al-shabaab.

Bilo ka hor ayay sidaan oo kale ugu guuleysatay dowladda Soomaaliya xiritaanka in ka badan 30 shabakado mareeg ama website oo kooxdu ku laheyd baraha Internet-ka, islamarkaana ku faafin jirtay wararkeeda.

Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dowladda ay gacanta ku dhigtay xogta iyo raadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahaan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay oo la sheegay laga qaadi doono talaabooyin adag.

“Inta uu socdo hawlgalka baabi’inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan ayaa waxaa lagu burburiyay kumanaan kun barood oo ay ka samaysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo. Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha Internetka ah ee Khawaarijta ayaa sidoo kale mar dhow rajaynaya inay gacanta u soo galaan Website-yada kale ee Khawaarijt ku gudbiyaan falal dembiyeedka iyo marin habaabinta” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal adag oo dhankasto leh kula jirta kooxda Al-shabaab, waxayna shaacisay iney sii wadi doonto burburinta dhamaan noocyada warbaahinta ah oo ay adeegsadaan Al-shabaab iyo ururada kale ee argagixisada.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in dowlada Federaalka ay marar badan ku celcelisay in talaaboiyin adag ka qaadi doonto baraha warbaahinta ama shaqsiyaadka ka qeyb qaata faafinta wararka been abuurka ah rabshadaha, xagjirnimada iyo macluumaadka khaldan.

Dowladda waxay sidoo kale ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed iney soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada mareegaha internetka ee looga shakiyo iney adeegsadaan Al-shabaab iyo Ururada kale la midka ah.

Hoos ka akhriso Linkiyada website-yada dowldda xirtay iyo magacyadooda:-

dhaxalgal.net
warkiislamka.com
dhaxalgal.com
somalimemo24.com
somalimemo24.net
radioalfurqaan.co
dhaxalgalka.info
faafreeb.com
faafreeb.net
faafreeb24.com
faafreeb24.net
amirnur.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker