Qarax ka dhacay Beledweyne

Dagaal ku bilowday gaari lagasoo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ka socda Hotel ku yaall magaalada Baladweyne.
Hotelka la weeraray oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee galbeedka Baladweyne ayaa waxaa la sheegay inay daganaayeen Odayaal dhaqan,Saraakiil iyo masuuliyiin halkaas ka waday abaabulka dagaal ka dhan ah Ashabaab.
Markii uu dhacay Qaraxa ayaa waxaa gudaha u galay Hotelka Qaahira ee la weeraray rag hubeysan,Waxaana hadda socota rasaas xooggan oo ka dhacaysa gudaha Hotelka,taasi oo u dhaxaysa kooxda hubeysan iyo askartii gudaha ku sugneyd.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo wali socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker