Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda Al-shabaab ku qaaday hotel Qaahira oo ku yaala magaalada Baledweyne.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Nabadoono iyo Saraakiil ciidan oo degana hotelka, kuwaas oo maalmahii lasoo dhaafay hotelka ku lahaa kulamo ay ku abaabulayeen sidii howlgalo ka dhan ah Al-shabaab uga bilaaban lahayeen galbeedka gobolka Hiiraan.

Wararka hordhaca ah ee la xaqiijiyay ayaa sheegaya in weerarka saakay ku dhinteen ilaa afar ruux oo ay ka mid yihiin Nabadoonada lagu kala magacaabo Nabadoon Aadan Raaxa jecel, Nabadoon Maxaamed Cisman Ileynaa, Aadan Maxamed Calasow Indhabur iyo sarkaal magaciisa lagu soo koobay Galaangashe.

Hotelka weerarka ka dhacay ayaa wali waxaa ka dhex dagaalamaya xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana marwaliba suurtagal ah iney sii kororto tkhasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee weerarku sababay.

Weerarkaan oo aysan wali si rasmi ah u soo afjarin ciidanka dowladda ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badna ee sanadkaan gudahiisa kooxda Al-shabaab ka geysato gudaha magaalada Baledweyne, gaar ahaan xaafada Howlwadaag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker