Dolwadda Suuriya iyo Ciidamada Kurdiyiinta oo heshiis gaadhay

 

Dhinacyada ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in SDF, oo maamusha gobolka Waqooyi-bari, ay ku biirto dowladda cusub, isla markaana ay ciidamadoodu la midoobaan kuwa dowladda.

Maamulka cusub ee Suuriya, oo uu hoggaamiyo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Axmed Al-Sharaca, ayaa isku dayaya inuu kala diro kooxaha hubeysan ee maamula dalka, tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalkaasi, Bashaar al-Assad, bishii December, kaddib in ka badan 13 sano oo dagaal sokeeye ah.

Heshiiskan cusub, oo la filayo in la dhaqan geliyo dhammaadka sanadkan, ayaa yimid kaddib maalmo rabshado ah oo ka socday dhulka ay ku badan yihiin qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta Suuriya, kuwaas oo wajahaya khatartii ugu cuslayd tan iyo markii la riday Assad.

Madaxtooyada Suuriya ayaa Isniintii daabacday bayaan ay saxeexeen labada dhinac, kaas oo dhigaya heshiis isku dhaf ah oo saameynaya dhammaan hay’adaha rayidka ah iyo kuwa milatari ee Waqooyi-bari Suuriya, oo ay ku jiraan xarumaha xuduudaha, garoomada diyaaradaha, iyo kheyraadka saliidda iyo gaaska.

Kooxda Kurdiyiinta SDF ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi AFP u dirtay oo la xiriiray inay ka hadlaan arrintan.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker