Duqeymo ka dhacay caasimadda Ruushka oo khasaare dhaliyay
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo “xooggan” oo xaga cirka ah, oo xalay ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.
Barasbaka caasimadda gobolka, Andrei Vorobyev, ayaa sheegay in dadka ku wax yeeloobay weerarkaas ay ku sugnaayeen magaalooyinka Vidnoye iyo Domodedovo, kuwaas oo yaala banaanka caasimadda.
Waxaa sidoo kale werarkaas ku burburay todoba dabaq oo dad rayid ah ay degenyihiin. Maayarka Moscowm Sergei Sobyanin, ayaa sheegay in la soo riday 73 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ku si jeeday caasimadda Ruushka.
Saqafka mid kamid ah dabaqyadaas, waxaa burburiyay burburka diyaaradaha la soo riday sida ay sheegeen.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya xilli saacado un ay ka harsan yihiin shir xasaasi ah oo u dhaxeeya wakiilo ka kala socda Mareykanka iyo Ukraine oo ka dhacaya dalka Sacuudiga, kaasi oo diirada lagu saarayo joojinta dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.
Gawaari ayaa sidoo kale ku burburay weerarkaas. Waxaa la hakiyay duulimaadyada diyaaradaha garoommada diyaaradaha ee Sheremetyevo, Domodedovo iyo Vnukovo ee Moscow, kuwaas oo ay isticmaalaan malaayiin rakaab ah sannad kasta.
Ukraine weli kama aysan hadlin weerarkan. Ha yeeshe mas’uuliyiinta Ukraine ayaa soo wariyay duqeymo ka dhacay caasimadda Ukraine ee Kyiv iyo gobollo kale. wax khasaare ah weli lama soo warin