Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay saddex Ceel Biyood oo laga hirgelinayo Gobolka Sanaag.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi oo wali ku sugan Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa maanta dhagax dhigay saddex Ceel Biyood oo Xukuumadda 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐚𝐣𝐢𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝 ay ka hirgelin doonto Magaalada Ceerigaabo.
Munaasibadda goob joog ka ahaa Wasiirka Khayraadka Biyaha, Maamulka Gobolka Sanaag, ka Degmada Ceerigaabo iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga warramay sida ay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uga go’an tahay in Gobolka Sanaag laga fulliyo Mashaariic Horumarineed oo wax-ku-ool ah kuwaasi oo wax ka tari doona baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada Gobolka Sanaag, dadkuna ay ku diirsadan doonnaan.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in loo baahan yahay in nabada Ceerigaabo si weyn looga wada sheeqeeyo, isla markaana la soo dhaweeyo dadka ka maqan magaalada, waxaanu xusay in ay dadku is cafiyaan maddaama lagu gudo jiro Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker