Israa’iil oo korontadii ka jartay Qasa kuna gooddisay inay jareyso biyaha la cabo
Kooxda wadaxaajoodyada Israel ayaa ku wajahan dalka Qatar, si ay wadahadalo hor leh uga yeeshaan kordhinta heshiiska xabad joojinta Qasa.
Ergeyga madaxweyne Trump ee Bariga Dhexe , Steve Witkoff, ayaa la filayaa inuu ku biiro dhexdhexaadiyeyaasha gobolka ee Doha iyagoo doonaya inay yareeyaan farqiga u dhexeeya Israel iyo Hamas.
Kooxda falastiiniyiinta ayaa doonaysa in si buuxda loo so oaf-jaro dagaalka, halka Israa’iil ay dadaal ugu jirto in xabad joojinta ku meel gaarka ah ay sii socoto, si dad badan oo la haystayaal ah loo sii daayo.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa korontadii ka jartay marinka Qasa, taas oo curyaamisay warshadaha biyaha sifeeya ee ay ku tiirsanyihiin dadka halkaas ku nool.
Waxay Israa’iil sidoo kale ku gooddisay in ay jareyso gebi ahaanba biyaha laga cabo Qasa. Ururka Xamaas.