Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xidhiidhka ka dhaxeeya Imaaraadka waxba u dhimeyn Casuumaadii Madaxweynaha Somaliland

Wasiiru dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Maxamed Cumar, Cali Balcad ayaa ka hadlay casumaadii iyo maamuuskii dhawaan dalka Imaaraadka Carabta loogu sameeyey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Casuumada Imaaraadka uu u sameeyay madaxweynaha Somaliland oo aheyd mid hab maamuuskeedu aad u sareeyay ayaa noqotay maalmahii lasoo dhaafay mid hadal heyn badan dhalisay, waxaana Wasiir Cali Balcad uu tilmaamay in casuumaadaasi aysan waxba u dhimi doonin xiriirka ay la lee yihiin Imaaraadka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad in dawladda Imaaraadka ay ka mid tahay dowladaha sida weyn Soomaaliya uga taageero dhinaca dhismaha ciidanka.

“Dee anagu iyo Imaaraadku xiriir taariiqi ah baa naga dhaxeeya, Soomaalidu meelahii ugu horeeyay ay ku baxsadeen xiligii dagaaladu ay jireen oo ay ganacsigooda kusii wateen waxay aheyd Imaaraadka, ganacsiga aduunka ugu weyn halka uu ku xiran yahay waa Imaaraadka, Soomaalida shirkadaheeda ugu badan halkey kasoo faracmeen waa Imaaraadka Carabka, marka dhanka Ganacsiga xiriirka aadka u weyn baanu ka leenahay, dhanka siyaasadana Imaaradka waxuu ka mid yahay dalalkii ugu horeeyay ee ka taageeray Soomaaliya dhinaca amniga” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Ugu dambeyntii Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso in maamul goboleedyada dalka oo ay ka mid tahay Somaliland ay ka qeyb galaan shirarka noocaan oo kale ah ee lagu hormarinaayo ganacsiga iyo dhaqaalaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker