Hay’adda NISA oo si faahfaahsan uga hadashay duqayn lagu dilay horjooge Yuusuf Dheg-naas

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaysay saaxiibada caalamka, ayaa sheegtay inay duqayn qorsheysan ka fulisey deegaanka Ceel-bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay inay duqayntan ku dishay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Yuusuf Dheg-naas, kaasoo Alshabab u qaabilsanaa degaanka Ceel-Bacad ee duqaynta laga fuliyay.

Sidoo kale, howlgalka ayaa sida ay sheegtay NISA lagu burburiyey gaadiid dagaal oo ay isticmaalayeen Alshabaab. Yuusuf Dheg-naas, oo la dilay howlgalka, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku howlanaa cabsi gelinta shacabka deegaanka, isaga oo lacago baad ah ka ururinayey, sida ay sheegtay hayโ€™addu.

Howlgallada ilaa hadda socda ayaa lagu dilay in ka badan labaatan dagaalame, halka lagu burburiyey gaadiid dagaal. Ciidanka NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka, oo garabsanaya saaxiibada caalamka, ayaa xoojiyey dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha ay dowladdu ugu yeertay Khawaarijta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker