Haween Israa’iili ah oo dalxiisayay oo lagu kufsaday Hindiya
Labo haween ayaa iyagoo qori lagu hayo la kufsaday nin kalena waa lagu dilay kadib markii lagu weeraray meel caan ah oo ku taalla koofurta Hindiya, sida uu booliisku sheegay.
Labada haween – oo u dhashay Israa’iil isla markaana dalxiisayay iyo nin Hindiya u dhashay – ayaa eegayay saddex nin oo dalxiisayaal ah oo ku sugnaa meel u dhow harada magaalada Hampi, Karnataka, markii koox rag ah ay weerar ku qaadeen habeenkii Khamiistii, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Ram Arasiddi oo booliiska ka tirsan.
Arasiddi ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaadday ay ragga ku riixeen kanaalka Webiga Tungabhadra kahor inta aysan haweenka kufsan.
Labo ka mid ah ragga, oo mid Ameerikaan yahay, ayaa badbaaday, halka meydka ninka saddexaad la helay saakay aroortii.
Booliiska ayaa xiray labo nin oo lagu eedeynayo weerarka waxaana socda baaritaan.