Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo hub ka iibin jiray Al shabaab oo la xukumay
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Jubbaland ayaa xukun kasoo saartay kiiska rag ka tirsanaa ciidanka Jubbaland kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay la shaqeyn jireen Al shabaab si lamid ahna ay hubka ka iibin jireen sida lagu soo bandhigay cadeeymihii maxkamadda la horkeenay.
Eedaysanayaashan ayaa kala ah: Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur oo kamid ahaa Ciidamada Jubbaland kuna eedeysan la shaqeynta Kooxda Al shabaab iyo ka iibsashada Argagixisada Hubkii Dowladda, waxaana in muddo ah socotay dhageysiga dacwadoodi.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa Sheegay in Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur ay Maxkamada ku heshay Dambiga lagu soo eedeeyay waxayna Maxkamada Ku Xukuntay min 5-Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Sido kale Maxkamada ayaa soo bandhigtay Qoryihii ay iibsadeen oo Ehelada Dambiilayaasha ay Dowladda Jubbaland usoo celiyeen, waxaana goob joog ahaa fadhiga Maxkamada Gudoomiyaha Maxkamada Labadiisa Kuxigeen, Xeer ilaaliyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, iyo Ehelada eedeysanayaasha.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa sheegay Cidii aan ku qanacsaneen Xukunka Maxkamada ay u furan tahay Racfaan ku eg inta Sharciga ogolyahay.