Madaxweyne Xasan Sheekh “Khawaarijta cir iyo dhul ayaa laga duqeyn doonaa meel kasta oo ay joogaan ee halaga fogaado”

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbaday iney isaga fogaadaan ay meel kasta oo ay joogaan kooxda Al-shabaab, islamarkaana laga fulin doono duqeymo cir iyo dhul ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay ka fogaada Meel kasta oo ay Khawaarijtu joogaan, cir iyo dhul ayaa laga duqeyn doonaa ee kasii fogaada yaysan dhibaato idin ka soo gaarine” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in haatan ay dhawdahay guul ka gaarista kooxda Al-shabaab, wuxuuna uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed iney macaamil la sameystaan kooxda.

“Muwaadinka Soomaaliyeed ee sharafta lahow waxaaย  ku leeyahay Shabaab hala dagin, hala darsin, guri haka kireyn oo ka dheeroow, Cadawga waxaa looga guuleysan karo waa midnimo ee aan u midowno oo aan garab isgaatga geesiyaasha Qaranka ee xiran tuutaha ama Macwiista ee u taagan ciribtirka Al-shabaab” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay gobolka Shabeellaha Dhexe ka wadaan howlgalada lagu doonayo in kooxda looga xureynayo dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker