Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb galay Xafladda Xuska Maalinta Haweenka Addunka ee ๐Ÿ–-๐๐š ๐Œ๐š๐ซ๐œ๐ก

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay Xafladda Xuska Maalinta Haweenka Addunka ee ๐Ÿ–-๐๐š ๐Œ๐š๐ซ๐œ๐ก ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu Xuska 8-da March ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan, waxana uu sheegay in haweenka reer Somaliland aanay mudnayn in maanta oo keliya (8-da March) la xuso, balse ay maalin walba inaga mudan yihiin xus iyo xusuus!

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlay doorka lama illaawaanka ah ee ay Haweenka Somaliland ku lahaayeen, welina ku leeyihiin dhismaha Qaranka iyo taabba-galka Dawladnimadeena waxa uu yidhi: “Haweenku waa laf-dhabarta dhismaha bulshada, dhaqaalaha iyo guud ahaanba jiritaanka qaranka. Kaalin aanay taariikhdu illaawi karin ayey ku lahaayeen ka soo kabashada waayihii adkaa ee uu dalku soo maray, iyo shaqadii dawlad dhiskaba.”

Xafladdii Xuska 8-da March, 2025-ka, Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay Xuquuqaha Aasaasiga ah ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland uu siiyey Haweenka reer Somaliland, waxa uu yidhi:

“Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waajibiyey in haweenku ay qaranka ku yeeshaan xuquuq, xorriyado iyo waajibaad la siman kuwa ragga, marka laga reebo wixii ay shareecadu ku kala reebtay ee Diinteenna Islaamku ina fartay.

Sidaas awgeed, waajib dastuuri ah ayaa innaga saaran in aynu ilaalinno, in aannu dhisno aqoontooda iyo xirfadahooda shaqo, in aannu ka gacan siinno fursadaha wax-tarka u leh noloshooda iyo gudashada waajibaadkooda Qaran iyo in aannu la dagaalanno xad-gudub kasta oo meel kaga dhacaya sharaftooda, iyo badqabkooda jidheed iyo maskaxeedba.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mar uu ka hadlayey qiimaha iyo qiyamka ay Haweenka Somaliland ku leeyihiin min Qoys ilaa Qaran, waxa uu yidhi:

“Anigu shakhsi ahaan, waxa aan ku faanayaa in aan la dhashay hablo badan oo aanu walaalo nahay oo gaadhaya lix hablood iyo Marwaweyda oo dhammaantood ii noqday garab iyo gaashaan. Waxa aan ka dheregsanahay qiimaha ay gabadhu ku leedahay qoyska iyo qarankaba.

“Himiladaydu waa Jamhuuriyadda Somaliland oo noqota qaran ay haweenku kaalin muuqata ku leeyihiin arrimaha bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo hoggaaminta siyaasadda, si waafaqsn qiyamka diinteenna, iyo dhaqankeenna wanaagsan.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker