Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo kulan ballaadhan la yeeshay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka (milatariga iyo Booliska)
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo wehelinayaan Wasiiro, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Milatariga, Safiiro iyo hawl-wadeenno sare oo ka tirsan Xukuumadda) ayaa maanta kulan ballaadhan la yeeshay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka (milatariga iyo Booliska) oo Deeq Waxbarasho ka helay Dalka Taiwan.
Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxa iyaguna goob joog ka ahaa hadalna ka jeediyey Wakiilka Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn Dawladda Taiwan uga mahad naqay deeqaha waxbarasho iyo mashaariicda horumarneed ee ay Dawladda Taiwan ugu deeqdo Somaliland, isaga oo tibaaxay in ay Taiwan sii ballaadhin doonto taageeradooda.
Kulankan ayaa ahaa mid tusaale cad u ah sida ay Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD uga goโan tahay casriyeynta iyo kor u qaadista aqoonta Ciidamada Qaranka JSL, iyada oo si joogto ah loogu tayeynayo Waxbarasho sare iyo tababarro casri ah.
Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ku bogaadiyay dedalkooda, adkeysigooda, iyo heerkooda aqooneed taasoo ay ku kasbadeen in ay helaan fursaddan qaaliga ah. Madaxweynuhu waxa uu Saraakiisha u sheegay in aqoonta iyo khibradda ay ka korodhsan doonaan fursaddan waxbarasho ee qaaliga ah ay hiigsi dhab ah iyo hiraal wacanba u tahay hoggaaminta jiilka cusub ee Ciidanka Qaranka Somaliland.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Saraakiisha Ciidamada kula sii dar daarmay in ay si dhab ah u metelaan Qiyamka iyo Quruxda uu leeyahay Qaranka Somaliland, sida oo kalena ay si wanaagsan uga soo dhalaalaan waxbarashadooda, isla markaana ay dalka dib ugula soo noqdaan fikrado cusub iyo habka ugu habboon ee lagu casriyeyn karo Ciidamada Qaranka JSL.
Kulanka ayaa ahaa mid uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar kale ku xaqiijinayo sida ay Xukuumaddiisa uga goโan tahay in Ciidamada Qaranka lagu maalgeliyo aqoon sare, tababarro, qalab iyo saanad casri ah, maadaama ay Ciidamadu udub-dhexaad u yihiin Amniga Qaranka iyo horumarka dalkeena.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu shahaadado guddoon siiyey xubnaha ka tirsan Ciidamada Qaranka ee Deeqda Waxbarasho ugu baxayey dalja Taiwan.