Ciidamada ammaanka Suuriya oo lagu eedeeyay inay dileen dad kasoo jeeda bulshada Calawiyiinta
Ciidamada ammaanka Suuriya ayaa la sheegay inay dileen dhowr qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Calawiyiinta ee laga tirada badan yahay ee ku nool gobol-xeebeedka Latakia, sida uu sheegay urur koroogteeya dagaalka.
Ururka SOHR ee xuquuqda aadanaha Suuriya oo fadhigiisu yahay UK ayaa sheegay in ilaa 162 qof oo rayid ah lagu dilay gobolka – oo uu kasoo jeedo madaxweynihii xukunka laga tuuray Bashir al-Assad, oo qudhiisa qowmiyaddan Calawiyiinta kasoo jeeda.
Xog laga helay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakaaladda wararka wararka dalkaas ee Sana ay kasoo xigatay in rabshado ay ka dhaceen gobolka sidaa darteedna la doonayay in la joojiyo.
BBC News ma aysan xaqiijin karin sheegashooyinka ah in dilal ay geysteen ciidamada maamulka cusub ee Suuriya.