2 Qof oo Dhintay iyo 186 Kale oo La La’yahay Kadib Doonyo Ku Degay Biyaha u Dhexeeya Yemen iyo Jabuuti
Inta la ogyahay, 2 qof ayaa dhintay, sidoo kale waxa la la’yahay 186 kale kadib markii afar doonyood oo siday tahriibayaal Itoobiyaan u badan ay ku dageen biyaha u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Yemen.
Tamim Eleian, oo ah afhayeen u hadlay Hay’adda Socdaalka ee Caalamiga (IOM), ayaa sheegay in laba kamid ah afarta doonyood ee siday tahriibayaashu ay ku dageen biyaha Yemen xilli dambe oo maalintii Khamiista ah.
Sida Al Jazeera baahisay, Eleian waxa uu sheegay in la badbaadiyay laba kamid ah shaqaalaha doonyaha, laakiin la waayay 181 muhaajiriin ah iyo 5 qof oo Yemeniyiin ah oo ka shaqaynayay doonyaha qarqoomay.
Hay’adda IOM waxa ay sheegtay in la rumeysanyahay in badi dadka saarna doonyuhu ay ahaayeen Itoobiyaan, iyadoo ugu yaraan 57 qof oo dumar ahi ay saarnaayeen dooni kasta oo kamid ah labada doonyood ee degay.
“Waxaanu la shaqaynaynaa hay’addaha maamulka si aanu isugu dayno in aanu helno cid badbaaday, laakiin waxaan ka baqayaa in aanu heli wayno cid ka badbaaday,” ayuu Wakaalada Warar ee AFP u sheegay Madaxa Xafiiska IOM ee Dalka Yemen, Abdusattor Esoev, sida Al Jazeera qortay.
Afhayeenka IOM, Eleian, ayaa sheegay in labada doonyood ee kale ay ku dageen biyaha dalka Jabuuti wakhti isku mid ah, isla markaana laba kamid ah muhaajiriintii saarnayd ay ku geeriyoodeen, laakiin la badbaadiyay dhammaan dadkii kale ee saarnaa.
Dadka ku dhaqan Geeska Afrika sida Itoobiyaanka, Soomaalida, iyo Eriteriyaanka ayaa sannadkasta ku nafwaaya jidadka badda ee khatarta badan iyaga oo safar ugu jira qaarada Yurub ama waddamada Khaliijka si ay nolol tooda ka wanaagsan u raadsadaan.