Turkey ‘oo diyaar u ah’ in ay ciidamo u dirto Ukraine
Turkiga ayaa diyaar u ah in ay ciidamo u dirto Ukraine si ay uga qayb qaadato howlgal nabad-ilaalin ballaaran haddii loo baahdo, sida uu sheegay ilo-wareed ka tirsan wasaaradda difaaca Khamiista maanta ah.
“Ka-qaybgalka howlgalka… waxaa si dhamaystiran loogu qiimeyn doonaa wada-hadal lala yeesho dhammaan dhinacyada ay khuseyso, haddii loo arko in ay lagama maarmaan u tahay sugidda xasilloonida iyo nabadda gobolka,” ayuu yiri ilo-wareedkaasi.
Hadalkan wuxuu yimid xilli hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ay magaalada Brussels kula kulmayeen Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, iyagoo ka arrinsanaya siyaabaha lagu xoojin karo difaacyada Ukraine iyo Yurub.
Kulankan ayaa dhacay kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu hakiyay gargaarkii milatari ee Kyiv iyo la-wadaaga sirdoonka, oo loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada Ukraine ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka.
Paris iyo London ayaa horey u muujiyey diyaar u ahaanshahooda in ay ciidamo u diraan Ukraine si loo xaqiijiyo in xabbad-joojin mustaqbalka dhacda la ilaaliyo, inkastoo aysan faahfaahin doorka rasmiga ah ee ciidamaaas.
Xoojinta difaacyada Yurub ayaa noqotay arrin degdeg ah, kaddib markii Trump uu si cad u muujiyay rabitaankiisa ah in si dhakhso ah loo soo afjaro dagaalka saddex sano jirsaday ee Ukraine, isagoo doonaya wada-hadal toos ah oo lala yeesho Moscow.
Tan iyo markii Ruushku weerarka qaaday saddex sano ka hor, Turkigaβoo xubin ka ah NATOβwuxuu isku dayay inuu ilaaliyo xiriir wanaagsan oo uu la leeyahay labada dal ee dariska kala ah Badda Madow.
Waxa uu sidoo kale laba jeer martigeliyay wadahadallo toos ah oo lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka.