Ruushka oo gantaal ku garaacay magaalada uu ka soo jeedo Zelensky

Mas’uuliyiinta dalka Ukrain ayaa sheegay, in lafar qof la dilay, kadib markii gantaal laga soo tuuray Ruushka u uku dhuftay hotel ku yaala magaalada Kryvyi Rih , oo ah halka uu ka soo jeedo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay sagaal qof oo kale, oo ka ag dhowaa hoteelkaas gantaalku ku dhacay.

Weerarka ayaa dhacay saacado un kadib markii Mareykanka uu xaqiijiyay, inuu joojiyay inuu Ukraine la wadaago xogihii sirta dagaalka Ukriane iyo Ruushka, taas oo adkeyn karta inay ka hor tegto weerrarada Ruushka.

Trump ayaa isniintii ku dhawaaqay inuu joojiyay kaalmadii milatari ee uu siin jiray Ukraine, balse jooojinta xogihii sirdoon ee lala wadaagi jiray Ukraine, waxaa shaaciyay agaasimaha waaxda CIA-da Mareykanka, John Ractliffe

Arrintan ayaa ku so aadaysa xilli dowladda Ukraine ay shegtay, in ay diyaar u tahay wadaxaajood ay gasho Ruushka si dagaalka loo soo afjaro.

Waxaa uu sheegay in madaxweyne Trump uu ka shakiyay sida madaxweynaha Ukraine, Vlodymyr Zelensky uga go’antahay in Ukraine nabad lagu soo dabaalo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker