Muwaadiniin Mareykan iyo British oo kamid ahaa dadka ku sugnaa hoteelka uu Ruushka weerary`

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dad mutadawiciin Mareykan iyo Ingiriis ah oo ka socday hay’ad samafal, ay ka mid ahaayeen dadkii ku sugnaa hoteel ku yaalla magaalada Kryvyi Rih ee dalka Ukraine, oo Ruushka ku weeraray gantaal.

Qoraal uu bartiisa Telegram soo dhigay Zelensky, ayu uku sheegay in β€œtan iyo xalay” ay socdeen howlaha samatabixinta dadka ku sugnaa hoteelka.

“Ganaalada Ballistic-ga ah ayaa ku dhacay hoteel iska caadi ah. Wax yar ka hor weerarkana, mutadawiciin ka socda hay’ad bini’aadantinimo oo kala ah muwaadiniinta Ukraine, Mareykanka iyo Britain ayaa tegay hoteelkaas”, ayuu yiri Zelensky.

β€œWaxay ka badbaadeen weerarka maadaama ay u suurta gashay inay ka soo degaan qolalkooda, balse nasiib darro, afar qof ayaa ku dhintay weerarka.

Waxaa uu intaa ku daray in tirada guud ee dadka ku dhaawacmay weerarka ay gaarayaan 30 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker