Mareykanka oo jaray xogaha sirdoon ee uu la-wadaago Ukraine

Mareykanka ayaa Arbacadii jaray xogihii dhanka sirdoonka ee uu la wadaagayay Ukraine, tallaabo si weyn u dhimi karta awoodda Kyiv ee sii wadista dagaalka saddexda sano ay kula jirto Ruushka.

Washington ayaa si xooggan u riixeysa wadahadallo nabadeed oo ay dooneyso in lagu soo afjaro dagaalka labada dowladood ee deriska ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horraantii toddobaadkan amray in la hakiyo gargaarka milatari ee Mareykanku siiyo Ukraine, maalmo yar kadib markii hadallo kulul ay Aqalka Cad isku weydaarsadeen isaga iyo madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.

Agaasimaha CIA-da, John Ratcliffe, ayaa Arbacadii sheegay in Mareykanku uu xilligan joojiyay la wadaagidda xogaha sirdoonka ee xukuumadda Kyiv, inkastoo tallaabadani ay noqon karto mid gaaban, maadaama Zelenskyy uu sheegay in hadalladii kululaa ee isaga iyo Trump ku dhexmaray xafiiska madaxtooyada ay ahaayeen “wax laga qoomameeyo” islamarkaana Ukraine ay diyaar u tahay wadahadallo nabadeed oo ay la yeelato Ruushka.

Tan iyo bilowgii dagaalka sannadkii 2022, Mareykanku wuxuu Ukraine siinayay xogo sirdoon oo muhiim ah, oo ay ku jiraan macluumaadka xasaasiga ah ee ay milatarigu u adeegsanayeen beegsiga ciidamada Ruushka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker