Zelensky oo muujiyay inuu ka xunyahay isku-dhicii dhex maray isaga iyo Trump

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Talaadadii sheegay, in uu doonayo in uu “wada xaliyaan” khilaafka ka dhex jiray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, isla markaana wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhacda Ukraine.

Hadalladan oo uu jeediyay markii ​​ugu horreeysay tan iyo go’aankii Trump uu ku hakiyay kaalmada militariga Mareykanka ee Ukraine, Zelensky wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay isku-dhicii todobaadkii hore dhexmaray isaga iyo Trump, wuxuuna ballan qaaday inuu heshiis weyn oo dhinaca macdanta ah la saxiixi doono Washington.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in “xabad joojin” laga sameeyo badda iyo hawada, taasoo ah tillaabadii ugu horreysay ee lagu soo afjarayo dagaalka saddexda sano ah u dhaxeeyay Ruushka iyo Ukraine.

Waxa uu sidoo kale ku celiyay in Ukraine ay diyaar u tahay inay heshiis macdan ah la saxiixato Mareykanka, heshiiskaas oo uu diiday kulankii Washington.

Ukrain waxay Talaadadii ku baraarugtay warka ku saabsan in Maraykanku “hakinayo oo uu dib u eegis ku samaynayo” kaalmada milatari ee uu siiyo Ukraine, ka dib markii uu burburay heshiiska diblomaasiyadeed todobaadkii la soo dhafay.

Isbahaysiga u dhexeeya Kiev iyo Washington, oo soo jiray tan iyo markii uu qarxay dagaalka Ukraine, ayaa burburay kadib wixii ka dhacay Xafiiska Oval ee Aqalka Cad, kaas oo u dhexeeya Zelensky iyo Trump isbuucii hore, waxayna xiisadda gaartay heerkii ugu sarreeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker