Somaliland oo iska Difaacday Eedo Argagixisanimo oo uga Yimid Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland
Xukuumadda Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay eedo ay sheegtay in masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland marar kala duwan ku sheegeen in Somaliland taageerto argagixisada.
Eedahan, oo aanay xukuumadu si toos ah u sheegin shakhsiyaadka ay ka yimaadeen, balse marar dhawr ah kasoo yeedhay xildhibaano ka tirsan Puntland, ayay Somaliland ku tilmaantay hadallo cuqdad salka ku haya oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa lagu xusay in Somaliland ay ku suntan tahay la dagaallanka argagixisada, isla markaana uu dastuurkeedu waajibinayo cidhibtirka argagixisada. Sidaa darteedna, hadallada masuuliyiinta Puntland ay yihiin kuwo aan sal lahayn.
“Waxa wax lala yaabo ah eedaha deel-qaafka ah iyo cuqdaddu ka muuqato, nafla-caarinimada la qarsan waayay ee maalmihii la soo dhaafay kasoo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasi oo ku eedaynaya Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtogeli karin, oo aan ku sifayn karno ‘hadal meel waayay’,” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo shakhsiyaad kale oo caan ah ayaa Somaliland ku eedeeyay inay taageerto argagixisada, kadib markii abwaanno iyo dad caan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Somaliland, balse aan ku qanacsanayn gooni-isu-taageeda, oo dhawr jeer laftooda lagu xidhay Hargeysa, ay ku biireen kooxda Al-Shabaab.
Somaliland ayaa ka mid ah meelaha sanadihii u danbeeyay ka bad qabay weerarada argagixisada, inkasta oo 29-kii Oktoobar 2008 weerarro argagixiso oo ay Al-Shabaab sheegatay lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland, xafiiska diblumaasiyadeed ee Itoobiya, iyo xafiiska UNDP, waxaana ku dhintay 30 qof halka 30 kalena ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, 30-kii sano ee lasoo dhaafay, weerarro argagixiso oo gaystay dhimashada dad kala duwan ayaa lala beegsaday ajaanib ka shaqaynaysay Somaliland iyo dad kale oo shacab ah, halka qaar badan oo kale la fashiliyey, inta kadibna Somaliland waxay sameysay ciidamo si gaar ah ula dagaallama argagixisada si ay amnigeeda u sugto.