Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Mareykanka lacagihii uu siin jiray Ciidanka Danab uu jartay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka hor sheegay xubnaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in Dowladda ay kusoo korortay culees dhaqaale oo uga yimid in lacago balaayiin doolaar ah oo ay deeq ahaan ka heli jireen Dowladda Mareykanka gaar ahaan Hay’adda USAID ay meesha ka baxday.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in culeeska ugu weyn ee Dowladda kusoo furmay ay tahay in dhaqaalihii ay Dowladda Mareykanka ay ku bixin jirtay Ciidamada Danad ay jaratay, sidoo kale waxaa lamid ah kaalmo kale oo dheeraad ah ay heli jirtay Wasaaradda Maaliyada la jartay taa oo culees ku noqotay misaaniyadda Dowladda.

Sidoo kale waxa uu wasiirka xusay in la waayay dhaqaale ama kaalmo lagu bixin jiray arrimaha bini’adamnimo ama kuwa horumarinta oo qiimeeynta wasaaradda lagu ogaaday in 1.5 Billion ay sanadkii heli jirtay uu meesha kabaxay waxaana ka dhalan doona culeesyo dhaqaale oo Dowladda ay xambaari doonto.

“Waa inaan kawada shaqeena dardargelinta Canshuuraha, waa inaan ka maaranaa kaalmada shisheeye oo aan ku tashanaa waxa aan haysano, guud ahaan Mareykanka kaliya maahanee caalamka oo dhami ayuu isbadalkaasi ku dhacay” ayuu yiri Wasiir Biixi oo xildhibanada Golaha shacabka ka hor hadlaayay.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in waqtiga dhow ay kusoo wajahan tahay dhibaato xaga dhaqaala ah loona baahan yahay in loo diyaar garoobo, Hay’adda USAID tan iyo markii dib looso doortay Madaxweyne Donald Trump waxa ay kamid aheyd kuwii uu joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray ee ay kaga qeyb qaadan jirtay kaalmada Dowladda Mareykanka ee horumarinta iyo arrimaha bini’adamnimada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker