Maraykanka oo digniin kasoo saaray weeraro argigixiso oo ay Muqdisho ka abaabulayaan Alshabaab

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheetay inay dabagal ku sameyneysa xogo ay sheegtay in lagu kalsoonaan karo, oo la xiriira weeraro ka dhici kara meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxay sheegtay in la joojiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ilaa amar dambe.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusineysaa muwaadiniinta Mareykanka in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarada kale ee ay ka geysato gudaha Soomaaliya”, ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

“Waxaa dhici karta inay fuliyaan weeraro iyadoo aysan digniin jirin, isla markaana beegsanaya garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, koontaroolada, xarumaha dowladda, hoteelada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan dadka reer Galbeedka ah, kolonyada ciidamada dowladda, kuwa militariga iyo kuwa reer galbeedka”, ayaa intaas lagu daray.

Qoraalka safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay aad u xaddiday awoodda ay adeegyo degdeg ah ugu fidin karto muwaadiniinta Mareykanka eek u sugan Soomaaliya, sababo ay ku sheegtay inaysan dalka ku lahayn qunsuliyad joogto ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker