Shiinaha iyo Canada oo ka aargoosanaya Trump

Shiinaha iyo Canada ayaa ku dhawaaqay tallaabo aargoosi ah, iyadoo uu dhaqan galay canshuurta madaxweyne Donald Trump ee ka dhanka ah dalalka Canada, Mexico iyo Shiinaha.

Trump has announced 25% tariffs against Canada and Mexico, and 20% tariffs against China – doubling the levy on China from last month.

Trump ayaa ku dhawaaqay 25%canshuuro ka dhan ah Canada iyo Mexico, iyo 20% badeecadaha Shiinaha.

Canada waxay wacad ku martay inay canshuur 25% oo u dhiganta 150 bilyan oo doolar ah ku soo rogi doonto alaabaha laga soo dhoofiyo Mareykanka.

Dhanka kale, Shiinaha, waxaa uu sina shaaciyay inuu canshuur 10%-15% ah ku soo rogi doono dalagyada beeraha ee Mareykanka laga soo dhoofiyo, wuxuuna sidoo bartilmaameedsanayaa shirkadaha Maraykanka oo uu sheegay in tallaabo aargoosi ah uu ka qaadi doono.

Trump ayaa laba jibaaray canshuurta la saaray badeecadaha Shiinaha laga soo dhoofiyo oo 20% ah, taas oo jawaab u ah eedeymaha ah in Beijing aysan qaadeyn tallaabo ay ku joojineyso dawooyinka sharci darrada ee la soo geliyo Mareykanka.

Trump waxaa uu sheegay in canshuuraha lagu soo rogay alaabaha la soo dhoofiyo, ay ku qasbi doonaan Canada iyo Mexico inay qaadaan tillaabo dheeri ah oo lagu xakameynayo daroogada sharci darrada ah iyo muhaajiriinta soo galaya dalka.

Suuqyada Maraykanka ayaa hoos u dhac ku yimid, waxayna Khubaradu ka digeen macaamiisha Maraykanka inay wajihii doonaan kharashyo badan oo alaabta qaarkood ah.

Warbaahinta ayay haatan la hadlayaan, waxa ka soo kordha halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker