Rwanda oo UK ka dooneysa magdhow-ga heshiis la laalay

Rwanda ayaa weydiisatay Britain inay siiso £50 milyan ($63.62 milyan) oo magdhaw ah kadib markii heshiiskii saoo-galootiga ee hore loo gaaray la laalay, sida uu sheegay ilo-wareed ku dhow dowladda Kigali Talaadada maanta ah.

Dalabkan ayaa yimid kaddib markii London hakisay qeyb ka mid ah gargaarkii ay siin jirtay Rwanda, sababo la xiriira dagaalka ka socda Congo.

Markii uu xafiiska la wareegay bishii Luulyo ee la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa buriyay qorshihii xukuumaddii hore ee Conservative-ka, kaasoo Rwanda lagu siin lahaa lacag si ay u qaabbisho muhaajiriinta si sharci darro ah ku galay Britain.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Yvette Cooper, ayaa xilligaas sheegtay in qorshahaasi uu horey ugu kacay canshuur-bixiyeyaasha Britain lacag gaareysa £700 milyan ($890 milyan).

Ilo-wareed ku dhow dowladda Rwanda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Kigali ay Britain ka dooneyso £50 milyan oo magdhaw ah maadaama heshiiska la laalay.

Afhayeenka dowladda Rwanda, Yolande Makolo, ayaa sheegtay in dalabka lacagta uu salka ku hayo mowqifkii ugu dambeeyay ee Britain ay ka qaadatay Kigali, oo ay ku jirto hadallo ay sheegtay in ay ahaayeen kuwo xasaasi ah oo kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain.

“UK waxay Rwanda ka codsatay inay si hoose uga tanaasusho lacagta iyadoo la tixgelinayo xiriirka is-aaminaadda iyo wadashaqeynta ee u dhaxeeya labada dal,” ayay Makolo ku sheegtay farriin ay Isniintii fiidkii ku daabacday barta X.

“Si kastaba ha ahaatee, UK waxay jebisay kalsoonidii jirtay iyadoo adeegsanaysa tallaabooyin cadaadis ah oo aan loo baahnayn, kuwaasoo lagu doonayo in Rwanda lagu khasbo inay wax u dhinto amnigeeda qaranka,” ayay sii raacisay.

Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Britain wax war ah kama soo saarin arrintan.
Todobaadkii hore, Britain waxay ku dhawaaqday inay hakineyso qeybo ka mid ah gargaarkii ay siineysay Rwanda, isla markaana ay saareyso cunaqabateyn diblomaasiyadeed oo la xiriirta doorka Kigali ee colaadda ka taagan DR Congo, tallaabo ay Rwanda ku tilmaantay “mid ciqaab ah.”

Rwanda ayaa cadaadis caalami ah kala kulmeysa eedeymo sheegaya in ay taageerto kooxda fallaagada ah ee M23, taasoo tan iyo bishii Janaayo qabsatay qeybo ballaaran oo ka mid ah bariga Congo, oo ay ku jiraan magaalooyinka Goma iyo Bukavu, iyo dhul hodan ku ah macdanta.

Kigali waxay beenisay inay taageerto kooxdaasi, balse waxay sheegtay in ciidamadeeda ay is-difaacayaan, iyagoo la dagaallamaya kooxo cadow ah oo ku sugan gudaha Congo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker