QM: Carruur sanad jira ayaa kamid ahaa dadka lagu kufsaday Sudan xiligii dagaalka
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa sheegtay in rag hubeysan ay kufsi iyo fara xumeyn u geysanayaan carruurta da’doodu ka yar tahay hal sano ee dagaalka sokeeye ee Suudaan.
UNICEF ayaa diiwaangelisay in ka badan laba boqol oo xaaladood tan iyo sannadkii hore.
Unicef ayaa sheegtay in, inkastoo 221 kiis oo kufsi ah oo ka dhan ah carruurta si rasmi ah loo diiwaan-geliyay tan iyo bilowgii sanadkii tegay ee 2024-kii, tirada rasmiga ah waxaa loo badinayaa inay intaas ka badantahay.