Maraykanka oo xidhay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish

Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Minneapolis oo lagu eedeeyay inuu muujiyay taageero weerarkii gaari xamuul ee ka dhacay New Orleans, kaasoo ay ku dhinteen 14 qof, ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish, sida ay ku dhawaaqeen dacwad-oogayaasha Maraykanka.

Abdisataar Ahmed Hassan, 22 jir, ayaa maxkamaddiisa ugu horreysay loo soo taagay dacwad la xiriirta isku dayga bixinta taageero loo fidinayo urur argagixiso ajnabi ah. Waxaa lagu amray in xabsiga lagu hayo iyadoon dammaanad loo oggolaanin ilaa la qabto dhageysiga xukunka xabsiga oo la qorsheeyay Maarso 5.

Dacwadda lagu soo oogay nin oo ah muwaadin Mareykan ah, ayaa lagu sheegay inuu laba jeer isku dayay bishii Diseembar inuu ka safro Minnesota una gudbo Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Daacish, balse uusan ku guuleysan.

Waxa uu ku andacooday inuu booqanayo qoyskiisa, balse baarayaashu waxay sheegeen inuusan wax ehel ah ku lahayn Soomaaliya.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in baaritaanka FBI-du uu caddeeyay in Cabdisataar uu si fagaare ah ugu taageeray kooxda Daacish baraha bulshada, isagoo dhowr jeer soo dhigay qoraallo taageero ah. Sidoo kale, wuxuu TikTok ku amaanay Shamsud-Din Jabbar oo ka dambeeyay weerarkii New Orleans.

Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu toddobaadkii hore soo dhigay muuqaal isaga oo baabuur wadaya, gudaha gaarigana uu ku sito calanka kooxda Daacish. FBI-du waxay sheegtay ina la xiray Khamiistii.

Dukumiintiyada dacwadda ayaa sidoo kale muujinaya in booliska New York ee FBI ay  sheegeen in ninkan uu baraha bulshada ku daabacay qoraallo taageero u ah kooxda Al-Shabaab. Sarkaal ka tirsan FBI-da ayaa sheegay in baarayaashu ay heleen muuqaallo loogu ololeynayo Al-Shabaab iyo Daacish oo lagu faafiyay TikTok iyo Facebook-kiisa. Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay inuu farriimo la wadaagay dadka Af-Soomaaliga ku hadla si ay ugu safraan una dagaalamaan kooxda Daacish.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker