Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo la Kulmay Guddida Diiwaangelinta Dib-u-habaynta Ciidamada

Komishanka Doorashooyinka Qaranka KDQ JSL ayaa xafiiskooda ku qaabilay Guddida DiiwaangelintaDib-u-habaynta Ciidamada Qaranka ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Guddidaas oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayey weheliyeen Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Khadar Xuseen, iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Ambassador Maxamed Xaaji.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha diiwaangelinta ciidamada, iyadoo laga wada-hadlay qodobadan:
โœ… Warbixinta Guddida Diiwaangelinta & Dib-u-habaynta Ciidamada:
Guddidu waxay sharaxaad ka bixisay diyaar-garowgooda, iyagoo sheegay in la dhammeystiray qorshe-hawleedka, ayna diyaariyeen software-kii iyo server-yadii nidaamka diiwaangelinta.
โœ… Taageero Qalab Diiwaangelinneed (IRIS Biometric):
Madaxweynaha JSL ayaa hore uga codsaday KDQ in ay Guddida ku wareejiyaan 50 (Kit) oo qalabka diiwaangelinta IRIS Biometric ah, kuwaas oo dhammeystiran, si loogu adeegsado hawshan muhiimka ah. Qodobkan ayaa isaga na ay labada dhinac ku lafagureen kulankooda.
โœ… Taageero Farsamo iyo Shaqaalaha:
Guddida ayaa KDQ ka codsaday in ay soo xulaan 50 ka mid ah tababarayaashii heerka sare ee (TOTs) ee khibrad u leh nidaamka IRIS Biometric, si ay u noqdaan hawl-wadeennada (Operators) ka shaqeyn doona diiwaangelinta ciidamada.
โœ… Talooyin Farsamo:
KDQ waxay Guddida la wadaagtay talooyin muhiim ah oo la xidhiidha hannaanka diiwaangelinta, caqabadaha suurtagalka ah, iyo xaqiijinta in nidaamku si hufan u fulo, iyadoo laga faaโ€™iidaysanayo khibradda KDQ ee hirgelinta nidaamka IRIS Biometric.
โœ… Heshiis Farsamo:
Labada dhinac waxay isla qaateen in la diyaariyo Heshiiska Farsamo (Handover Agreement), kaas oo si rasmi ah loogu faahfaahiyey dhammaan macluumaadka qalabka ay KDQ ku wareejinayaan Guddida Diiwaangalinta & Dib-u-habbaynta Ciidamada Qaranka JSL
ALAA MAHAD-LEH .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker