Duqayn lagu burburiyay gaadiid ay qaraxyo kusoo diyaariyeen kooxda Alshabaab
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe lagu burburiyay gaadiid qaraxo lagusoo raray oo ay wateen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Duqayn ayaa ka dhacday deegaanno hoos taga degaanka Ceel Baraf ee Shabeellada dhexe, waxaana iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.
Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya AFRICOM ayaa weli wada qiimeynta natiijada hawlgalka iyo dabagalka bartilmaameedyada kooxda Alshabaab, si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo adkaynta amniga deegaannada la xoreeyay.
Dowladdu waxay qoraalkaan ku sheegtay in aysan wax tanaasul ah ka geli doonin dagaalka ka dhanka ah waxay ugu yeertay kooxaha Khawaarijta ee caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya.
Howlgalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo ururka Alshabaab ay maalmo ka hor qabsadeen degaaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe sida Balcad, Ceel Baraf, Alkowsar, Ceel Cali iyo tuulada Biye-Cadde oo ay shalay gudaha u galeen.
