Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland Axmed Carwo oo tacsi diraaya Geerida EX-Wasiir Aadan Axmed Warsame

INNAA LILAAH WA INA ILLEYHI RAAJACUUN

Waxaan aniga iyo xaaskeygu tacsi tiiraanyo badan u diraynaa xaaska, ubadka,, ehelka kale xigto iyo xigaal iyo qaranka Somaliland xukuumad iyo dadweynaba, geerida kediska ah ee uu maanta 06/01/2020 ku geeriyooday Hargeysa Wasiirkii ugu horeeyey ee Wasaaradda Distoorka iyo Xidhiidhka Golayaasha saaxiibkay marxuum Aadan Axmed Warsame. Waxaanu marxuumka Alle uga baryeynaa dambi dhaaf taam ah, naxariis iyo inuu qabriga u nuuro una waasiciyo oo uu uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Waxaan tacsida la wadaagayaa Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff, U.K oo uu qoyskiisu ku nool yahay kana ahaa musdambeedka Jaaliyadda, sidoo kale waxaan tacsi gaar ah la wadaagayaa goballada Gabiley iyo Awdal oo ahaa degaankiisa.

marxuum Aadan waxuu ahaa nin cibaado badan, run sheeg ah oon marna ka gaban, kana libiqsan. Waxaan xaaska, tafiirtiisa, waalid iyo walaal, xigto, xigaal iyo asxaab Alle ka baryayaa inuu  ina waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.
Axmed Xasan Carwo
Agaasimaha Guud
Baanka Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker