𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐎𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 .
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftiga u hoggaaminaayo ee safarka shaqo u joogay maal-mihii u dambeeyey Gobolka Sanaag ayaa maanta goob-joog ka noqdey oo ka qayb-galay munaasabad ballaadhan oo ahayd mid lagu qaramaynaayey qaybtii u horaysay ee Ciidanka madaniga iyo gadiidkoodii dagaalka
Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Somaliland ayaa ciidamada u qaabiley si kal furran, waxaanay u sheegaan inay kamid yihiin saacada laga bilaabo Ciidanka Qaranka JSL.
Dawladda wadda jir iyo wax-qabad iyadoo fullinaysay ballan-qaadkii hore ee ahaa inay qaramayn doonta ciidamada madaniga ah, waxaanay maanta la qarameeyey wajigii koobaad ee Ciidamadaas, iyadoo maal-maha soo socda la qarameyan doonno cutub-yo kale oo kamid noqon doona ciidanka Qaranka JSL.