Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gaadhay Jiida Hore Ee Ciidanka ee Gobolka Sanaag.

Wafti uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuriyada Somaliland S/Guuto Nimcaan Yusuf Cismaan oo ay wehelinaayaan Taliyaasha Qaybaha iyo hoggaano katirsan Taliska guud ee ciidanka qaranka JSL ayaa gaadhay jiida hore ee ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag.

Ujeedada safarka ayaa ahaa kormeerka fadhiisamada ciidanka Qaranka ee ku sugan sanaag oo ka mid ah kormeeradii loogu kuur gali jiray xaalada Ciidanka Qaranka JSL.

Taliyaha ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona gobolada barriga Somaliland isagoo gaadhi doona Jiidaha Kale ee Gobolada Barriga Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker