Puntland oo sheegtay inay waddo howlgallo ka dhan ah firxadka ururka Daacish

Puntland ayaa sheegtay inay qaadday tallaabo lagula dagaalamayo firxadka kooxda Daacish ee ku dhuumalaysanaysa degaano ka tirsan gobolka Bari.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka la dagaalanka kooxda Daacish ee Hillaac ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gaareen deegaanka Xabley iyo Dul-darayle oo hoos yimaada degaanka Ufayn ee gobolka Bari, halkaas oo farriisin u ahayd Daacish.

Ciidamada ayaa la sheegay inay adeegsanayaan gaadiidka Awrta, maaddaama degaanada buuralayda ah aanay geli karin gaadiidka dagaalka.

Dadka deegaanka ee ciidanka ku wareejiyay Awr si ay ugu fududeeyaan hawlgalka. Saraakiisha Ciidamada ayaa shacabka uga mahad celiyay doorka ay ka qaadanayaan ururka Daacish.

Laamaha ammaanka ayaa ugu baaqay shacabka in ay ciidanka ku wargeliyaan xogta la xiriirta firxadka Daacish iyo cid kasta oo looga shakiyo yahay iyaga.

Ciidanka Puntland ayaa Daacish ka saaray degaanadii ugu dambeeyay ee ay ku sugnaayeen tobankii sano ee ugu dambeeyay. Daacish ayaa haatan loo maleynayaa inay isku urursadeen degaano.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker